[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below]
Maanta waxaan idinla wadaageyna qayb cusub oo barnaamijka Taakulo ah, oo aan idin kugu soo gudbino wararka iyo dhacdooyinnka howlaha bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Qaybta maanta waxaan kaga hadli doonaa doorka bahda Q.M ay ka ciyaarayaan ka jawaabista abaaraha sii xumaanaya ee dalka.
Waxaan wareysaneynaa Aadam Cabdimowla, isku duwaha arrimaha bini’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo ka warbinaya sida hay’adaha Q.M uga jawaabeen abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya iyo sida kaalmada la iskugu xiraayo qaybaha Q.M iyo deeq bixiyaasha. Wuxuu ka hadlayaa waxyaabaha mudnaanta leh, caqabadaha iyo sida dadka Soomaaliyeed u taageeri karaan dadka Soomaaliyeed ee ay abaaraha halakeeyeen.
Waxaan sidoo kale wareysanay Max’ed Shuuriye Nuur, La taliyaha wasiirka Gargaarka iyo maareynta masiibooyinka Soomaaliya. Waxa uu ka sheekeynayaa xaaladaha Soomaaliya iyo sida taageerada Q.M iyo beesha caalamka gacan uga geysanayaan fududeynta saameynta ba’an ee abaaraha.
Barnaamijka waxaa idinla socodsiinaya Cali Guutaale iyo Fatxi Max’ed. Waxaa heleysaa fursad aad uga falceliso barnaamijka oo aad aragtidaada nagula wadaagi karto adigoo wacaya idaacadda aad ugu jecshahay.
Ka dhageyso barnaamijka Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baydhaba, SBC Radio, Radio Cadaada, Radio Risaala, Radio Dalsan, Radio HiranWeyn, Radio Galgaduud, Radio Garowe iyo Radio Kismaayo. Si aad qayb uga noqoto barnamaijka waxaad wici kartaa idaacadaha, oo nala wadaag aragtidaada. Hadii uu ku seegay barnaamijkan halkaan ayaad ka dhageysan kartaa wakhti walba.
Waxaad sdoo kale ka helikartaa Podcast qybtaan iyo qaybaha kaleba:
iTunes: https://podcasts.apple.com/ke/podcast/tubta-nabaada-path-to-peace/id1373615264
Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace
TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/
--------------------------------------------------------------------------------------------
Today, we bring you a new episode of #Taakulo, the radio magazine that shares with you news and updates about the work of the United Nations family in Somalia. In this episode, we hear of the UN family response to worsening drought in Somalia.
To this end, we interview Adam Abdelmoula, the United Nations Humanitarian Affairs Coordinator for Somalia, on the different aspects of the UN response to the severe drought facing Somalia and how assistance is being coordinated across the UN humanitarian partners. He discusses the priority areas, challenges, and how Somalis can also support their fellow Somalis impacted by the drought.
We also interview Mohamed Shurie Nur, Advisor to the Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management of Somalia. He talks about the drought status in Somalia and how, with the support of the UN and international partners, assistance is being scaled up to alleviate the impact of the drought.
The programme is presented by Ali Gutale and Fathi Mohamed. You will have the opportunity to react to the show and share your thoughts by calling in your favourite radio stations!
Tune in today to Radio Mogadishu, Radio Kulmiye KNN, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Cadaado, Radio Risalah, Radio Dalsan, Radio Hiranweyn, Radio Galgadud and Radio Kismaayo.
You can also get the podcast of this and other episodes of this show on:
iTunes: https://podcasts.apple.com/ke/podcast/tubta-nabaada-path-to-peace/id1373615264
Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace
TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/
view more