[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below]
Todobaadkaan Barnaamijka Tubta Nabadda waxaan ku maamuusi doonaa xuska maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka Miinada iyo waxa ay hay’adda mina barista qabaneyso.
Waxaan wareysanay Daahir Cabdiraxmaan Cabdulle, agaasimaha hay’adda Soomaaliyeed ee maareynta waxyaabaha Qaraxa oo ka hadli doona muhiimadda xuska maalintaan iyo side Soomaaliya ugu guuleysan karto in ay noqotay dal ka madax bannaan halista miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa sanadka 2027ka. Wuxuu sidoo kale ka hadlay halista ay u leedahay dadka Soomaaliyeed waxyaabaha qarxa ee haraadiga dagaalada iyo sida wax looga qaban karo.
Waxaan sidoo kale wareysanay Cali Max’ed Xasan, madaxa mashaariicda ee hay’adda Juman, oo ah hay’ad si weyn ugu lug leh la dagaalanka waxyaabaha qarxa iyo waxyiga halista miinooyinka. Cali ayaa sidoo kale ka hadlaya sida hay’adiisa gacan uga geysaneyso baahinta xogta ku saabsan badqabka, gaar ahaan caruurta, marka ay timaado halista waxyaabaha qarxa.
Barnaamijka waxaa idinla socodsiinaya Cali Guutaale iyo Fatxi Max’ed. Waxaa heleysaa fursad aad uga falceliso barnaamijka oo aad aragtidaada nagula wadaagi karto adigoo wacaya idaacadda aad ugu jecshahay.
Ka dhageyso barnaamijka Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baydhaba, SBC Radio, Radio Cadaada, Radio Risaala, Radio Dalsan, Radio HiranWeyn, Radio Galgaduud, Radio Garowe iyo Radio Kismaayo. Si aad qayb uga noqoto barnamaijka waxaad wici kartaa idaacadaha, oo nala wadaag aragtidaada. Hadii uu ku seegay barnaamijkan halkaan ayaad ka dhageysan kartaa wakhti walba.
Waxaad sdoo kale ka helikartaa Podcast qybtaan iyo qaybaha kaleba:
iTunes: https://podcasts.apple.com/ke/podcast/tubta-nabaada-path-to-peace/id1373615264
Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace
TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/
--------------------------------------------------------------------------------------------
This week on #TubtaNabadda, we mark United Nations' International Day for Mine Awareness and Assistance in Mine Action. We interview Dahir Abdirahman Abdulle, the Director of the Somali Explosive Management Authority, about the importance of observing this day and of Somalia achieving its goal of being mine-free by 2027. He also discusses risks posed to Somalis by explosives and remnants of war and how they are being addressed.
We also interview Ali Mohamed Hassan, Programme Manager of Juman, a local organization active in combatting the scourge of explosives and mine risk through awareness. He talks about how his organization helps spread information on safety, specifically for children, on serious risks from explosive and remnants of war.
In this week’s programme we also hear a poem about the danger of explosives and mines.
In the studio, your hosts are Ali Gutale and Fathi Mohamed.
Tune in today to Radio Mogadishu, Radio Kulmiye KNN, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Cadaado, Radio Risala, Radio Dalsan, Radio Hiranweyn, Radio Galgadud and Radio kismaayo to be a part of it. Remember to call in and share your thoughts about the show or leave us a comment below. In case you miss it on the radio, you can listen in here anytime.
You can also get the podcast of this and other episodes of this show on iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).
view more