[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below]
Todobaadkan waxaan barnaamijka #TubtaNabadda, kaga hadlaynaa kaalinta xildhibaanada ee mataalada codka dadweynaha. Maalinta Caalamiga ah ee Baarlamaanimada ayaa guud ahaan caalamka laga xusaa 30ka Juun sanad kasta iyadoo ah munaasad lagu xasuusto kaalinta baarlamaanka ee horumarinta dimuquraadiyadda.
Waxaan barnaamijkan ku waraysanay Cabdisamad Moallim Maxamuud, oo muddo dheer ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya. Wuxuu ka hadlayaa sida ay muhiimka u tahay in xildhibaanadu ay la shaqeeyaan bulshada si loo helo baarlamaan laga wada qaybgalo, loo dhan yahay kana jawaaba baahida dadweynaha. Wuxuu sidoo kale ka hadlayaa sida baarlamaanku gacan u siin karo kalaguur nabdoon oo ka hirgala dalalka ka soo kabanaya colaadaha sida Soomaaliya.
Waxaan sidoo kale waraysanay Maryan Moalim Isak, oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya oo iyaduna ka hadlaysa kaalinta xildhibaanadu ka ciyaari karaan xoojinta dimuquraadiyadda, horumarka iyo hagaajinta adeegyada ay helayaan dadka ay matalaan.waxay sidoo kale ka hadlaysaa xiriirka ka dhexeeya xildhibaanada iyo dadka ay matalaan si dadweynuhu fursad ugu helaan inay ku lug yeeshaan samaynta iyo korjoogtaynta siyaasadaha saamaynaya noloshooda.
Barnaamijka waxaa daadihinaaya Cali Guutaale iyo Fatxi Maxamed. Waxaad nala wadaagi kartaa fikirkaaga adoo soo wacayaa idaacadda aad jeceshahay:
Radio Mogadishu (2:30 p.m., 7:30 p.m.)
Radio Kulmiye KNN (2:30 p.m., 10:30 p.m.)
Radio Baidoa (2:30 p.m., 9:00 p.m.)
SBC Radio (2:30 p.m., 7:00 p.m.)
Radio Garowe (2:00 p.m., 10:00 p.m.)
Radio Cadaado (2:30 p.m., 10:30 p.m.)
Radio Risala (2:00 p.m., 9:00 p.m.)
Radio Dalsan (2:30 p.m., 9:00 p.m.)
Radio Hiranweyn (2:00 p.m., 8:15 p.m.)
Radio Galgadud (3:00 p.m., 8:30 p.m.)
Radio Kismaayo (2:30 p.m., 7:30 p.m.)
Waxaad sdoo kale ka helikartaa Podcast qybtaan iyo qaybaha kaleba:
iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264
Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace
TuneIn: https://tunein.com/.../Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/
--------------------------
Si aad wax badan uga wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya ee Soomaaliya:
Website: https://unsom.unmissions.org
Twitter: https://twitter.com/UNSomalia
Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA
Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/
SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/...
Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom
---------------------------
This week on #TubtaNabadda, we discuss the role of parliamentarians in representing the voice of the people. The International Day of Parliamentarianism observed on 30 June is a reminder of the importance of parliaments as a cornerstone of democracy.
In this episode, we interview Abdisamad Sheikh Mohamud, long-serving MP in the Somali parliament, about the need for parliamentarians to work collaboratively with the community to achieve participatory, inclusive and responsive parliament. Mr. Mohamud also examines how robust parliaments can help make a peaceful transition in countries emerging from conflicts like Somalia.
We also talk to Maryan Moalim Isak, a member of the Somali Parliament, about the role of MPs in promoting democracy, development and social services in their respective communities. Ms. Isak explains the connection between MPs and the people for the voters to become indeed a part of law-making, policy formulation and oversight processes that impact their lives.
The programme is presented in Somali by Ali Gutale and Fathi Mohamed. Share your views by calling in your favourite radio station during the show.
view more