[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below]
Todobaadkan #TubtaNabadda, waxaan kaga hadlaynaa qiyamka aas-aasiga ah ee bulshooyinka casriga ah: Dimuquraadiyadda
Waraysiga ugu horeeya, Prof. Hassan Sheikh Ali Nur, oo ku takhasusay cilmiga siyaasadda waxna ka dhiga Jaamacadda SIMAD, ayaa nooga sheekaynaya mabaadii’da dimuquraadiyadda iyo sida dimuquraadiyadda mirodhalka ah u ilaaliso una tabantaabto qiyamyada ay ka mid yihiin saraynta sharciga, ilaalinta xuquuqda bulshooyinka nugul iyo ka qaybgalka nolosha siyaadeed iyo tan bulsho ee dalka.
Waxaa sidoo kale marti noogu ah barnaamijka Burhan Abdullahi Shiil oo ka tirsan Madaxda hay’adda Puntland Minority Women's Development Organisation. Mudane Shiil wuxuu ka sheekaynayaa waxa ay hay’addiisu ka qabato kor u qaadista dimuquraadiyadda, isagoo bidhaaminaya muhiimadda ka qaybgalka maamulka dalka ee dhammaan kooxaha kala duwan. Wuxuu hoosta ka xariiqayaa muhiimadda ay leedahay awoodsiinta aqaliyaadka wadanka si ay awood ugu yeeshaan adeegsiga xuquuqdooda siyaasadeed.
Maalinta Caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda, oo adduunka laga xuso 15ka Sebtembar, sanad kasta, ayaa bixisa fursad dib loogu eego xaaladda dimuqraadiyadda adduunka.
Barnaamijka waxaa daadihinaya Cali Guutaale iyo Fatxi Max'ed.
Nala wadaag aragtidaada adigoo wacaya idaacadda aad jeceshahay inta lagu guda jiro wakhtiyadaan.
Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.)
SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.)
Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.)
Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.)
Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.)
Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.)
Dhageyso Podcastiga barnaamijkaan iyo kuwii ka horeeyeyba.
iTunes: https://podcasts.apple.com/ke/podcast/tubta-nabaada-path-to-peace/id1373615264
Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace
TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/
---------------------
Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya, booqo:
Website: https://unsom.unmissions.org
Twitter: https://twitter.com/UNSomalia
Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA
Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/
SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/
Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom
------------------------------
------------------------------
This week on #TubtaNabadda, we talk about one of the core values of modern societies: democracy.
In the first interview, Prof. Hassan Sheikh Ali Nur, a political scientist and lecturer at SIMAD University, tells us about the principles of democracy and how a functioning democracy protects and nurtures values such as the rule of law, protection of minorities, inclusion, and participation in a country's socio-political life. He also speaks about the criticality of these values for the future and development of Somalia.
Our second speaker is Burhan Abdullahi Shiil, the Programme Manager at the Puntland Minority Women's Development Organisation. Mr. Shill tells us about his organisation’s work to promote democracy, highlighting the inclusion and political participation of all groups in Somali society. He underscores the necessity of empowering minorities in the country for them to be able to exercise their political rights.
The International Day of Democracy, observed globally on 15 September, provides an opportunity to review the state of democracy in the world.
The programme is presented in Somali by Ali Gutale and Fathi Mohamed. Share your views by calling in your favourite radio station during the show today.
view more