[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below]
Todobaadkaan #TubtaNabadda, laba wariye Soomaaliyeed ayaa ka hadlaya muhiimadda baahinta warar sax ah oo waafaqsan anshaxa warbaahinta ee ka hortagga xogta sababi karto waxyeela shaqsi ama koox.
Qaybta koowaad, Shamis Cabdiraxmaan oo ka tirsan TVga Asal, oo ka qayb gashay dhowaan tababar ku aadan tabinta wararka la xariira nidaamka cadaaladda, ayaa noo tilmaamin doonta xirfadda loo baahan yahay si loo kala saaro xogaha loo gudbinaayo bulshada, iyadoo maanka lagu hayo xuquuqda ay u leeyihiin helista wararka.
Waxaan sidoo kale wareysanay Max'ed Cabdi, oo katirsan TVga qaranka, oo noo sharxaya sida warbaahinta ula macaamisho xogta been abuurka ah, la mala'awaalay iyo kuwa aan wanaagsaneyn ee wiiqi kara aaminaadda warbaahinta. Max'ed, waxa uu sidoo kale soo xiganaayaa kiis ka dhashay war been abuur ah oo sababi rabay dagaal dhaxmara laba kooxood, balse baaritaan kadib la ogaaday in warka la baahiyey uu been abuur ahaa.
Barnaamijka waxaa daadihinaayo Cali Guutaale iyo Fatxi Max'ed.
Nala wadaag aragidaada ku aadan warbaahinta iyo doorkooda ku aadan ka hortagga faafinta wararka been abuurka ah. Wac idaacadda aad ugu jeceshahay inta lagu guda jiro wakhtiyadaan maanta.
Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.)
SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.)
Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.)
Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.)
Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.)
Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.)
Waamo Radio (8.00 p.m.)
Isnaay Radio (7.00 p.m.)
Sanguuni Radio (8.00 p.m. Axad)
Beerlula Radio (8.30 p.m. Axad)
Arlaadi Radio (8.00 p.m. Axad)
Radio Daar-Dheer (8.30 p.m. Talaado)
Waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba:
iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264
Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace
TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/
----------------------
Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya, booqo:
Website: https://unsom.unmissions.org
Twitter: https://twitter.com/UNSomalia
Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA
Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/
SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/...
Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom
-----------------------
-----------------------
This week on #TubtaNabadda, we discuss with two Somali journalists the importance of accurate and ethical reporting in preventing real-life harm to individuals and groups.
Our first guest, Shamis Abdirahman from Asal TV, recently attended training for journalists on reporting justice system-related news. Ms. Abdirahman tells us about skills journalists require to distinguish information released without the public interest in mind while considering the right of the audience to be informed.
We also hear from Mohamed Abdi from Somali National TV about how the media deal with recognising misinformation, disinformation and malinformation that would undermine trust in their reporting. Mr. Abdi talks about a case in which the dissemination of false news almost caused a fight between two groups in Dhusamareb.
In the studio, your hosts are Ali Gutale and Fathi Mohamed Ahmed.
Share your views on the media and its role in preventing the spread of false news, misinformation and disinformation. Call in your favourite radio station during the show today:
view more