[This show is produced in Somali only; English caption of the show context is down below]
Todobaadkaan #TubtaNabadda, waxaan kaga hadlaynaa u diyaargarowga masiibooyinka iyo la qabsiga cimilada ee Soomaaliya, ka hor xuska Maalinta Caalamiga ee Deegaanka.
Waraysiga ugu horeeya, Nasra Maxamuud, oo ah sarkaal la-qabsiga cimilada oo ka tirsan Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa nooga warrantay masiibooyinka dabiiciga ah, xiriirka ay la leeyihiin isbeddelka cimilada iyo sida ay QM ula shaqaynayso Dawladda Federaalka ee Soomaliya iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah, si kor loogu qaado u diyaar-garowga masiibooyinka. Marwo Nasra Maxamuud, waxa kale oo ay ka hadlaysaa saamaynta ay masiibooyinka dabiiciga ahi ku leeyihiin noolasha iyo hab-nololeedkii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya.
Qeybta labaad ee barnaamijka, Wasiirka arrimaha Bini’aadantinimada iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Caruush, ayaa warbixin guud ka bixinaya sida ay xaaladu tahay iyo tallaabooyinka ay qaadeen ee looga hortagayo masiibooyinka ee deegaannada Koonfur Galbeed.
Barnaamijka oo ku baxaya afka Soomaaliga waxaa soo jeedinaya Cali Guutaale iyo Fatxi Maxamed, waxaana rajaynaynaa in aad nala wadaagto fikradahaaga ku saabsan saamaynta ay masiibooyinka dabiiciga ahi ku leeyihiin noolasha iyo hab-nololeedkii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya.
Radio Mogadishu (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Kulmiye (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Baidoa (1.30 p.m., 9.00 p.m.)
SBC Radio (1.20 p.m., 7.30 p.m.)
Radio Garowe (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Cadaado (1.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Risala (2.30 p.m., 9.00 p.m.)
Radio Dalsan (2.30 p.m., 8.30 p.m.)
Radio Hiranweyn (1.15 p.m., 8.15 p.m.)
Radio Galgaduud (2.30 p.m., 9.00 p.m.)
Radio Kismaayo (2.30 p.m., 7.00 p.m.)
Waamo Radio (8.00 p.m.)
Isnaay Radio (7.00 p.m.)
Sanguuni Radio (8.00 p.m. Axad)
Beerlula Radio (8.30 p.m. Axad)
Arlaadi Radio (8.00 p.m. Axad)
Radio Daar-Dheer (8.30 p.m. Talaado)
Radio jowhar (2:00 p.m., 8:30 p.m.)
Waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba:
iTunes: https://podcasts.apple.com/.../tubta-nabaada.../id1373615264
Stitcher: https://www.stitcher.com/show/tubta-nabaada-path-to-peace
TuneIn: https://tunein.com/podcasts/Podcasts/Tubta-Nabaada-Path-to-Peace-p1120872/
------------------
Si aad wax badan uga ogaato wararka iyo warbixinada Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya, booqo:
Website: https://unsom.unmissions.org
Twitter: https://twitter.com/UNSomalia
Facebook: https://www.facebook.com/UNSOMALIA
Flickr: https://www.flickr.com/photos/unsom/
SoundCloud: https://soundcloud.com/unsom-somalia/...
Vimeo: https://www.vimeo.com/unsom
-------------------
-------------------
This week on Tubta Nabadda, we discuss disaster preparedness and climate adaptation in Somalia, ahead of World Environment Day.
In our first interview, Nasta Mohamud, a climate adaptation officer with the UN Development Programme, tell us about natural disasters, their links to climate change and how the UN is working with Somali federal and state authorities to enhance disaster preparedness. Ms. Mohamud also talks about the impact of natural disasters on livelihoods and traditional ways of life in Somalia.
In the second part of the programme, South West State’s Minister of Humanitarian Affairs and Disaster Management, Abdinasir Arush, gives an overview of the situation and steps taken in response to climate shocks in South West State.
The programme is presented in the Somali language by Ali Gutale and Fathi Mohamed.
And we hope you can share your thoughts on the impact of natural disasters on livelihoods and traditional ways of life in Somalia.
view more