Todobaadkaan #TubtaNabadda waxaan uga hadleynaa xaaladda bini'aadanimada #Somalia iyadoo dhowaan la xusaayo maalintta caalamiga ah ee bini'aadanimada #WorldHumanitarianDay. Waxaan wareysanay Peter De Clercq xiriiriyaha arrimaha bini'aadanimada qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya, oo sharaxaad ka bixin doona xaaladda gargaar ee dalka iyo sida beesha caalamka uga go'an tahay sii wadista taageerada loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed, hannaanka u gegsashada iyo kabashada ee ay dowladda kala shaqeynayaan iyo arrimo kale oo badan
Waxaan sidoo kale la hadalnay Muna Xaaji Yusuf oo ka shaqeysa arrimaha bini'aadanimada. Waxayna nooga warbixin doontaa hanjabaadaha io qataraha howl-wadeenada gargaarka ay wajahaan. #NotATarget Muna waxa ay sidoo kale ka hadli doontaa muhiimadda kaalmeynta bulshada deegaanada. Barnaamijka waxaa daadihinaaya Cali Guutaale iyo Faadumo Macalin, waxaan istuudiyaha ku weheliya Liibaan Cabdi Warsame oo tix gabay noo marin doona
Ka dhageyso Radio Mogadishu, Radiokulmiye Knn, Raadiyo Baydhabo, SBC Radio, Risalah Radio, RadioCadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).
view more