Todobaadkaan #TubtaNabadda, maadaama la xusaayo maalinta dhalinyarada caalamiga ah #YouthDay, waxaan diiradda ku saari doonaa sidii dhalinyarada ay ku heli lahaayeen goobo ammaan ah. #SafeSpaces4Youth waxaa noogu marti ah Cabdikaafi Max'ud Makaraan, guddoomiyaha dhalinyarada gobolka Benaadir, oo ka hadli doona goobaha ammaanka ah ee ay heli karaan dhalinyarada Muqdisho iyo barnaamijyada kale ee la meel mariyey si looga taageero dhalinyarada ku lug yeelashada dhaqdhaqaaqyada la xariira baahiyahooda kale duwan.
Waxaa sidoo kale barnaamijka marti noogu ah Axmed Vision, oo ah nin dhalinyaro ah oo si weyn ugu ola oleeya dhalinyarada, wuxuuna ka hadli doonaa howlaha lagu abuurayo sare u qaadida goobo ammaan ah oo ay dhalinyarada leeyihiin #Somalia Axmed Cumar wuxuu sidoo kale nala wadaagayaa jaceelka uu u qabo ilaalinta xuquuqda dhalinyarada iyo caqabadaha jira. Waxaan sidoo kale barnaamijka ku xusi doonaa Max'ed Sheekh Cali, hal abuure dhalinyaro ah oo noloshiisa ku waayey howlaha naf-hurnimada ah ee uu dalkiisa u qabtay. Barnaamijka waxaa daadihinaayo Cali Guutaale iyo Faadumo Sheekh, waxaana istuudiyaha kula sugan Ibraahim Cali Muumin Awdaango oo majaajilo yar qax nooga siin doona.
Ka dhageyso Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risaala, Radio Cadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).
view more