Todobaadkaan #TubtaNabadda waxaan kaga hadli doonaa dedaalada socdo ee lagu xoojinaayo daqliga gudaha ee Soomaaliya. Waxaan wareysan doonaa wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Cabdullahi Sheekh Cali Qaloocow oo ka badli doono koban daqliga gudaha lixda bil ee ugu dambeysay, iyo sidoo kale ilaha sare u qaadi kara socodka canshuuraha dalka iyo daqliga ku soo xrooda qasnadda dowaldda.
Waxaan sidoo kale wareysan doonaa Ms Puteri Natalie Watson sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska bankiga adduunka ee Soomaaliya, oo ka hadli doonta taageerada bankiga adduunka siiyo dowladda Soomaaliya. waxay sidoo kale ka hadli doontaa caqabadaha nidaamka daqli aruurinta iyo talloobooyinka muhiimka ah ee u baahan in mudnaan la siiyo si looga guuleysto caqabadahaas. Waxaa barnaamijka daadihinaya Cali Guutaale iyo Faadumo Sheekh, iyadoo dhinaca madadaalada uu hees noogu luuqeyn doono Max'ud Xeebow.
Ka dhageyso Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risaala, Radio Cadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).
view more