#Tubta Nabadda, todobaadkan waxaan diiradda ku saari doonaa Maalinta Xirfadda Dhaliyarada oo ku began 15 July 2018. Waxaa barnaamijka marti noogu ah Cabdullaahi Cabdi Maxamed oo ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka hadlaya qorsheyaasha
wasaaradda ee ku aadan horumarinta xirfadaha dhalinyarada.
Waxaa sidoo kale barnaamijka marti noogu Abdikadir Dubow Mohamed oo ah sarkaal ka tirsan @UNHabitat, Xaafiiska Kismayo islamarkaasina u qaabilsan horumarinta xirfadaha.
Wuxuu ka hadli doonaa waxyaabaha ay samayso Qaramada Midoobay si ay dhalinyarada ugu caawiso kobcinta xirfadahooda iyo muhiimada ay leedahay maalgalinta xirfadaha dhalinyarada. Barnaamijka waxaa idiin soo jeedinaya Faadumo Sheikh Abdullahi Aden iyo Ali Gutale waxaadna sidoo ku maqli doontaan hees macaan oo dhalinyarada ku saabsan.
Ka dhageyso Radio Mogadishu, Kulmiye Knn, Raadiyo Baydhabo, SBC Radio, Risalah Radio, RadioCadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes ( apple.co/2xbk78c ), Stitcher ( bit.ly/2x9djbd ) ama ka daaro ( bit.ly/2kljcZJ ).
view more