#TubtaNabadda waxaan asbuucaan kaga hadlaynaa xuska Xoriyadda Soomaaliya iyo sida munaasabaddan loogu adeegsan karo kor u qaadista nabadda iyo wadajirka Soomaaliyeed. Waxaa marti noogu ah Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka
Soomaaliya isagoo ka hadli doona sida Soomaalidu ay nabad ugu wada noolaan karto iyadoo la eegayo halgankii loo soo maray Xorriyadda dalka.
Waxaan sidoo kale barnaamijka ku waraysanaynaa Siciid Xarawo oo ka mid ah fanaaniinta Soomaaliyeed islamarkaasina curiyay heeso wadani ah oo ku saabsan Xorriyadda. Wuxuu sharaxayaa sida uu ahaa dareenka dadka Soomaaliyeed 58 sano ka hor markii calanka la saaray Soomaaliya ay noqotay Qaran Madaxbanaan.
Ka dhageyso Radio Mogadishu, Kulmiye Knn, Raadiyo Baydhabo, SBC Radio, Risalah Radio, Goobjoog FM 88.5, RadioCadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan
ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).
view more