Barnaamijka #TubtaNabadda waxaan ku eegaynaa sida shirkadaha Soomaalida ay adeegyo kala duwan u siin karaan Qaramada Midoobay iyo sida uu u shaqeeyo nidaamka iibka Qaramada Midoobay. Wuxuu
barnaamijku sidoo kale dulmar ku samaynayaa sida ganacsiyada Soomaalida ay u bixin karaan adeegyada kala duwan. Waxaa barnaamijka marti noogu ah Abdulkadir Enow oo madax ka ah shirkadda dhismaha ee Deeqa wuxuuna sharaxayaa sida ganacsatada Soomaaliyeed u noqon karaan kuwo bixiya adeegyo iyo badeecooyinka ay u baahantahay Qaramada Midoobay isagoo sidoo kalena nala wadaagaya khibradiisa ku aadan la shaqaynta QM.
Waxaad sidoo kale maqli doontaan Helen Dodd oo masuulka ka ah howlaha iibka ee Qaramada Midoobay iyadoo sharaxaad ka bixin doonta sida uu u shaqeeyo nidaamka iibka iyo sida shirkadaha
Soomaalida ay iskaga diiwaangalin karaan suuqa iibka guud ee Qaramada Midoobay. Waxay sidoo kale ka hadlaysaa shuruudaha ay tahay inay u hoggaansamaan ganacsiyada Soomaalida si adeegyo u
siiyaan QM.
Ka dhageyso Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risaala, GoobJoogFM, Radio Cadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).
view more