Todobaadkaan #TubtaNabadda, waxaan kaga hadleynaa ciribtirka rabshadaha ku saleysan galmada ee goobaha dagaalada ka dhacaan, gaar ahaan dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira.
Waxaan wareysanay Deeq Yusuf agaasimaha guud ee wasaaradda haweenka, horumarinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta. Wuxuu ka hadli doonaa maalinta caalamiga ah iyo qorshaha qaran ee ciribtirka xadgudubyada galmada.
Waxaa sidoo kale barnaamijka noogu marti ah Noel Kututwa, oo ka warbixin doona taageerada Qaramada Midoobay siiso dowladda federaalka si loo hirgaliyo qorshaha qaran ee cirirbtirka rabshadaha galmada ku sal leh.
Daadihiyaasha barnaamijka Cali Max'ed Guutaale iyo Faadumo Sheekh waxaa istuudiyaha ku weheliya Liban Cabdi Warsame oo tix gabay oo ku saabsan xadgudubyada galmada nala wadaagi doona.
Ka dhageyso Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risaala, GoobJoogFM, Radio Cadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).
view more