Todobaadkaan Barnaamijka #TubtaNabadda waxaa kaga hadleynaa mashruuca dhaqancelinta ee xabsiga magaalada Baydhaba. Waxaa noogu marti ah Ms Eva Ahs oo ka tirsan kooxda ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta iyo la socoshada hay'adaha dowliga ee Qaramada Midoobay, Waxa ay ka warami doontaa muhiimadda qoysaska iyo bulshada u leeyihiin dhaqancelinta iyo guulaha ilaa iyo iminka la gaaray si loo sii wado taageerada mustaqbalka.
Waxaan sidoo kale barnaamijka ku wareysan doonaa Cabdicasiis Xasan Ibrahim, agaasimaha waaxda dhaqancelinta ee wasaaradda cadaaladda Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaas oo sharxi doona tallaabooyinka la xariir mashruucaan. Cali Guutaale iyo Faadumo Sheekh waxaa Istuudiyaha ku weheliya Liibaan Cabdi Warsame oo gabay qiimo leh noo tirin doona
Ka dhageyso Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risaala, GoobJoogFM, Radio Cadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).
view more