Todobaadkaan barnaamijka #TubtaNabadda, waxaan diiradda ku saareynaa xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya iyo saameynta roobabkii ugu cuslaa ee dalka soo mara in ka badan 3 qarni, #Daadadka iyo duufaanta Sagar. Waxaan wareysaneynaa UN isku duwaha arrimaha bini'aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Peter de Clercq oo ka hadli doona kaalinta Qaramada Midoobayee taageeridda jawaabta degdegga ah ee dowladda.
Waxaa sidoo kale barnamaijka Marti noo ah Ridwaan Cabdi, agaasimaha xarunta isku duwidda bini'aadanimada Qaranka. Ridwaan waxa uu qiimeynayaa saameynta xilli roobaadka sanadkaan ee guud ahaan dalka. Waxa uu sidoo kale ka hadlayaa waxyaabaha mudnaanta leh iyo baahiyaha dadka ay saameeyeen daadadka. Istuudiyaha waxaa ku sugan Cali Guutaale iyo Faadumo Sheekh oo uu weheliyo Liibaan Cabdi oo tuduc gabay ah noo marin doona.
Ka dhageyso Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risaala, GoobJoogFM, Radio Cadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).
view more