Barnaamijka #TubtaNabadda, waxaad ku maqli doontaan Tartanka Hal abuurka Furan oo ah tallaabo looga gol-leeyahay in lagu helo xal ay hoggaaminayaan #DhalinyaradaSoomaaliyeed oo loo keeno dhibaatooyinka ay ka mid yihiin biyo la’aanta, waxbarasho la’aanta iyo daryeel la’aanta caafimaadka kuwaas oo soo wajahaya barakacayaasha Soomaaliyeed.
Farxaan Xuseen Cabdi oo ah hal abuure dhalinyaro ah kana qaybgalay Tartanka Hal abuurka Furan ayaa ka hadlaya sida dhalinyaradan Soomaaliyeed ay ula imaan karaan fikrado hal abuur oo lagu aas-aasi karo ganacsiyo jiri kara muddo dheer kuwaasi oo wax ka badali kara nolosha bulshooyinka barakacayaasha ah.
Raxma Xassan oo ka tirsan UNDP Somalia ayaa sharaxaysa ujeedada barnaamijka hal abuurka furan, shuruudaha ka qaybgalka barnaamijka iyo nooca taageerada ay bixinayso #Qaramada Midoobay. Dhalinyaro kale oo hal abuur leh ayaa sidoo kale na la wadaagi doona fikradahooda ku aadan hal abuurka ganacsiga.
Barnaamijka oo ay idiin soo jeedinayaan Ali Gutale iyo Faadumo Sheikh Abdullahi Aden ayaad sidoo kale ku dhagaysan doontaan hees macaan oo uu noo qaadayo fanaanka Siidii Ali Winkey.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye KNN, Radiobaidoa, SBC Radio, Risalah Radio, Radio Cadaado, Goobjoog FM 88.5 or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo
barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada. Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta!
Ma doonaysaa inaad hesho macluumaad dheeraad oo ku saabsan Tartanka Hal abuurka Furan? Booqo: bit.ly/2rU2XWM.
view more