Todobaadkan barnaamijka #TubtaNabadda, waxaan ku soo qaadan doonaa dood ku saabsan daadadka saameeyay dad gaaraya 700,000 oo ruux sidoo kalena barakiciyay 215,000 oo ruux.
Waxaa barnaamijka naga la qaybgalaya Maxamed Macalim oo ah Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Biniaadanimada iyo Maareynta Masiibooyinka, Cabdi Rooble oo ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo beeraha iyo Cabdullaahi Xassan oo ah Agaasimaha Waraabka iyo Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeraha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhammaantood waxay ka hadli doonaan baaxadda dhibaatada ay daadadku gaysteen iyo waxa ay tahay in la qabto si dadka loo caawiyo dadka gaar ahaan bulshada ku nool magaalada BeletWeyne. Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Adado, Radio GoobJoog or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada. Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta!
view more