Barnaamijka #TubtaNabadda, waxaan todobaadkaan uga hadlaynaa maalinta saxaafadda iyo xaaladda ay ku shaqeeyaan wariyeyaasha Soomaaliyeed marka la eego caqabadaha ka soo wajahaya xoriyadda hadalka. Waxaan sidoo kale ka hadli doonaa kaalinta xoogga leh ee saxaafadda Soomaaliya ay ka qaadan karto nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.
Waxaa barnaamijka marti noogu ah Maxamed Ibraahim mucalimuu oo ah xogahaya guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ oo ka haadlaya sida kor loogu qaadi karo xoriyadda hadalka iyo baahida loo qabo in la soo afmeero dhaqanka ka xisaabtamid la’aanta dambiyada ee #Soomaaliya. Wuxuu kaloo ka hadlayaa waxa ururkiisu uu ka qabanayo caqabadaha haysta wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Waxaa sidoo kale barnaamijka naga la qaybgalaya Joe Contreras oo ah afhayeenka xaafiiska kaalmada QM ee Soomaaliya UNSOM oo ka hadlaya taageerada ay QM siiso saxaafadda Soomaaliya si kor loogu qaado xoriyadda hadalka waxna looga qabto dambi ka xisaabtamid la’aanta xadgudubyada loo gaysto wariyeyaasha #Soomaaliyeed. Faadumo iyo Guutaale oo barnaamijka soo jeedinaya ayaa sidoo kale ka doodaya doorka saxaaafadda ay ka qaadan karto horumarka iyo cadaaladda dalka. Waxaan sidoo kale qaybta maaweelada ku maqli doonaa hees macaan oo ka hadlaysa muhiimadda saxaafaddu ay u leedahay bulshada.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Adado, Radio GoobJoog or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada. Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta!
view more