Barnaamijka #TubtaNabadda, waxaan todobaadkan kaga hadli doonaa sida wax looga qaban karo arrimaha deegaanka ama bay’ada ee ka jira dalka #Soomaaliya iyo kaalinta ay arrintaasi ka qaadan karto dhisidda nabadda #Soomaaliya. Waxaan waraysan doonaa Abdirizak Mohamed Mohamud oo ah agaasimaha xaafiiska deegaanka ee xaafiiska Ra’iisal wasaaraha oo ka hadli doona waxyaabaha ay tahay inay samayso dowladda Soomaaliya si wax looga qabto caqabadaha dhanka bay’ada ee wajahaya #dadka soomaaliyeed.
Waxaan sidoo kale waraysanaynaa Abdul Qadir Rafiq oo ah madaxa qaybta adkaysiga iyo isbedelka cimilada u qaabilsan hay’adda #UNDP. Wuxuu ka hadlayaa taageerada ay #QM siiso dowladda Soomaaliya si looga jawaabceliyo dhibaatooyinka dhanka deegaanka ee ka jira Soomaaliya.
Barnaamijka oo ay noo soo jeedinayaan Faadumo iyo Guutaale ayaad sidoo kale ku maqli doontaan gabay xiiso leh oo ka hadlaya muhiimadda ay leedahay dhowrista deegaanka.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye KNN, Raadiyo Baydhabo, SBC Radio, Radio Risala, RadioCadaado, Goobjoog FM 88.5 or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada. Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta!
view more