Todobaadkaan #TubtaNabadda, waxaan uga hadleynaa kaalinta cayaaraha ku leeyihiin horumarinta nabadda iyo horumarka Soomaaliya. Waxaan ku wareysaneynaa Cabdiqani Saciid Carab guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, oo ka hadli doonaa sida cayaaraha u hormarin karaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxaan sidoo kale #TubtaNabadda marti u ah Drs. Khadiijo Daahir, guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud oo faahfaahineysa ku dhiirigalinta dhalinyarada ciyaaraha iyo muhiimadda ay taasi leedahay. Cali Max'ed Guutaale iyo Faadumo Sheekh Cabdullaah ayaa barnaamijka idinla socodsiinaayo, waxaana Istuudiyaha ku weheliyo majaajiliista Owdaango.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Adado, Radio GoobJoog or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada.
Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta! #IDSDP2018 #PlayforGlobalGoals
view more