Barnaamijka #TubtaNabadda, waxaan diiradda ku saareynaa muhiimadda maalinta ka wacyi galinta Miinada. Waxaan ku wareysaneynaa Max'ed Cabdullahi Cigaal, agaasime xigenka hay'adda maareynta miinooyinka iyo qaraxyada, oo ka warbixin doona qorshah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya si dalka looga dhigo mid ka bad qabo miinada #MineFree.
Waxaan sidoo kale ku wareysaneynaa Jsarkaal ka mid ah howl wadeenada hay'adda UNMAS, wuxuuna ka hadli doonaa kaalinta QM ee ka taageeridda #Somaliawax ka qabashada halista miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa. Cali Guutaale iyo Faadumo Sheekh ayaa barnaamijka daadihinaya waxaadna dhageysan doontaa gabay uu noo marinayo Sugaal Cabdulle.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Adado, Radio GoobJoog or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada. Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta! #IMAD2018
view more