Barnaamijka #TubtaNabadda waxaan todobaadkan kaga hadlaynaa xoojinta xuquuqda aadanaha #Soomaaliya waxaana marti noogu ah Deeq Saleebaan Yuusuf, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda aadanaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadli doona nidaamyada ay diyaarisay dowladda Soomaaliya si loo ilaaliyo #xuquuqdaaadanaha guud ahaan dalka Soomaaliya, shaqada Gudiga Qaran ee Xuquuqda aadanaha iyo sida nidaamyadaasi ay gacan uga gaysan karaan wax ka qabashada xadgudubyada xuquuqda aadanaha.
Waxaa sidoo kale istuudiyaha nagula sugan Kirsten Young, Madaxa Kooxda Ilaalinta Xuquuqda aadanaha ee Howlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya(UNSOM) oo ka hadlaysa doorka #Qaramada Midoobay ay ka ciyaarayso xoojinta nidaamyada xuquuqda aadanaha ee dalka Soomaaliya iyo sida wax looga qabanayo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta Soomaaliyeed. Waxaad sidoo kale dhagaysan doontaan hees halaasi ah oo uu noo qaadayo Maxamed Kabanle.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Adado, Radio GoobJoog ama Radio HiranWeyn Beletweyne. Si aad fikradahaaga noola wadaagto soo wac nambarada idaacadaha aad ka dhagaysanaysaan barnaamijka ama fallo noo dhaaf.
view more