Todobaadkaan Barnaamijka #TubtaNabadda waxaa kaga hadleynaa xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya, oo ajande u ahaa shir heer sare ah oo 6dii March ka dhacay London. Waxaa ku marti ah Peter de Cleercq, isuduwaha gaarga Soomaaliya, oo faahfaahin doono xaalada bini'aadanimo ee Soomaaliya
Waxaa sidoo kale barnaamijka Marti ku ahSebastian Fouquet, oo ka socdo laanta bini'aadanimada iyo horumarinta u qaabilsan dowladda Ingiriiska, oo sharixi doona taageerada Ingiriiska ee Soomaaliya. Barnaamijka waxaa daadihinaayo Cali Guutaale iyo Faadumo Sheekh waxaana istuudiyaha ku weheliya fannaanka Siidii Cali Winkey
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Cadado, Radio GoobJoog or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka.
Si aad fikradahaaga noola wadaagto, soo wac nambarada idaacadaha aad ka dhagaysanaysaan barnaamijka ama fallo noo dhaaf
view more