Barnaamijka #TubtaNabadda todobaadkaan, waxaan kaga hadleynaa dedaalada dib u soo nooleynta Dhaqanka iyo Farshaxanka Soomaaliyeed, si loogu isticmaalo ka miri dhalinta nabadda iyo xasiloonida. C/qaadir Xuseen Nuur 'Maax' guddoomiyaha Akademiyada cilmiga iyo aartiska ayaa ka hadli doona muhiimadda dedaalada dib u soo celinta dhaqankii iyo farshaxankii suubanaa.
Waxaa sidoo kale barnaamijka qayb ka ah Karalyne Monteil oo ka tirsan waaxda dhaqanka ee hay'adda UNESCO. Karalyn waxa ay sharxeysaa kaalinta dhaqanka ka xiyaari karo dhismaha nabadda iyo horumarka #Somalia. Waxa ay sidoo kale faahfaahin doontaa habka @UnitedNations s ay u taageerto ilaalinta goobaha taariikhiga ah. Cali Guutaale iyo Faadumo Cabdullahi ayaa barnamijka daadihinaayo, waxaana tix gabay oo dhaqanka ka hadleysa noo tirin doona Abwaan Xirsi Dhuux.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Adado, Radio GoobJoog or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada.
Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta!
view more