Barnaamijka #TubtaNabadda, waxaan kaga hadleynaa nidaamka cadaaladda iyo dhaqan celinta #Somalia iyo tallaabooyinka horseeday in la hirgaliyo heshiiska cusubee heer federaal iyo heer dowlad goboleed. Saciid Birmad oo Wasaaradda Caddaaladda Dowladda Federaalka ee #Soomaaliya, ayaa sharxaayo nidaamka uu ansixiyey golaha amniga qaranka. Wuxuu sidoo kale ahrxi doonaa saameynt nidaamkaan dadka Soomaaliyeed ku leeyahay.
Waxaan sidoo kale barnaamijka ku wareysan doonaa Virginie Blanchard oo xafiiska UNSOM u qaabilsan cadaladda iyo dhaqan celinta, oo ka hadli doona muhiimadda horumarinta iyo hirgalinta nidaamka cadaaladda iyo dhaqan celinta cusub iyo kaalinta United Nations ka ciyaareyso taageeridda dadaalada lagu hirgalinayo cadaaladda Soomaaliya. Barnaamijka waxaa daadihinaayo Cali Max'ed Guutaale iyo Faadumo Sheekh Cabdullahi. Dhinaca madadaalada waa Fannaanka Iidle Cabdullahi.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye KNN, Raadiyo Baydhabo, SBC Radio, Radio Risala, RadioCadaado, Goobjoog FM 88.5 or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada. Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta!
view more