Barnaamijka #TubtaNabadda, waxaan kaga hadleyn xaaladda ka jawaabista arrimaha bini'aadanimada Soomaaliya ee 2018ka. Waxaa noogu marti ah Agaasimaha xarunta isku dubaridka arrimaha bini'aadanimada qaranka, Kana mid ah madaxda wasaaradda arrimaha bini'aadanimada iyo maareynta masiibooyinka Ridwaan Xasan Cabdi , oo nooga warbixin doona xaaladda bini'aadanimo ee Soomaaliya iyo waxa ay dadka ka filan karaan dowladda marka ay timaado baahiyaha bini'aadanimada.
Waxaan sidoo kale wareysanay Justin Brady madaxa OCHA Somalia oo ka hadli doona qorshaha wax ka qabashada arrimaha bini'aadanimada Soomaaliya iyo sida dadka Soomaaliyeed kaalin uga ciyaari karaan dadaaladaan UN Barnaamijka waxaa daadihinaya Cali Guutaale iyo Faadumo Sheekh waxaa dhinaca madadaalada waa Ibrahim Cali Muumin Awdaango.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Adado, Radio GoobJoog or Radio HiranWeyn Beletweyne maanta oo qayb ka noqo barnaamijka. Xasuusnow waad ka qayb gali kartaa adigoo wacaya idaacadaha nala wadaagayo aragtidaada. Haddii uu ku dhaafay barnaamijka halkaan ka dhageyso goor kasta!
view more