Maanta waxaan idiin soo gudbinaynaa qayb kale oo ah #Taakulo, oo ah barnaamij raadiye oo aan idin kula wadaagno wararka iyo warbixinada shaqada muhiimka ah ee qoyska QM ka wado Soomaaliya. Waxaan qaybtan wax badan ka ogaan doonaa shaqada Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ay ka waddo Soomaaliya.
Waxaa barnaamijka marti noogu ah Mamunur Rahman Malik, oo ah Madaxa WHO ee Soomaaliya. Wuxuu ka hadli doonaa shaqooyinka WHO ay Soomaaliya ka qabato oo ay ku taageerto dadaalada qaran ee caafimaad tayo loogu raadinayo Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ka hadlayaa kaalinta ay WHO ka qaadatay dagaalka ka dhanka ah COVID-19 iyo sidoo kale dadaalada lagu yaraynayo dhimashada hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya.
Barnaamijka waxaa idiin soo jeedinaya Cali Gutale, Iyo Fathi Maxamed Axmed, waxaadna soo wici kartaa idaacadda aad jeceshahay si aad fikirkaaga noola wadaaagto.
Ka dhageyso barnaamijka Radio Muqdisho, Radio Kulmiye KNN, Radio Baydhaba, SBC Radio, Radio Cadaada, Radio Risaala, Radio Dalsan, Radio HiranWeyn, Radio Galgaduud iyo Radio Kismaayo. Si aad qayb uga noqoto barnamaijka waxaad wici kartaa idaacadaha, oo nala wadaag aragtidaada. Haddii uu ku seegay barnaamijkan halkaan ayaad ka dhageysan kartaa wakhti walba. waxaad sidoo kale ka helikartaa Podcast qaybtaan iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) (bit.ly/2kljcZJ).
view more